Taariikhda gaanka ah
Gadaal looma raacee
Abwaankii gabyaa yiri

Weligayd intaan tagay
Kama furin gareexo
Maad iyo guud kama dhicin

Aniga gadiisii inaan ahay
Garkii aan la sugi jiray
Gaban aan anigu dhalay

Gunta seefka mariyoo
Gaari waaye halkaan rabay

Waa talo guracantoo
Maskaxdayda gali karin

Waxaa gaarka kahayee
Waa talo guracantoo
Maskaxdayda gali karin

Maxaa gooni kaa dhigin
Gadob ma adigaa galin

Nina gabankii dhalay
Gacantiisa kuma dilaa
Ma markaad gaajootaa
Garaba maalin hubataa

Geeraaradaydiyo
Waxaan hadal ku gaabsaday
Gacantayda inaad kamaqantahay

Goobtaan istaagaba
Hadal igu guracan baa
Dhahayga galayeee

Inta gabay taqaaniyo
Abwaanada ha gaadhee
Ubadka yaa ugeesaa

Gunta weel ka jaban
Ruux ku waraaabi geel iri
Garbahaa ka daaleee

Soo aniga gadiisa
weli guban Haraadkii

Waa talo guracan
oon maskaxdayda galin
Badanaa guraysee

Waxaa gaarka ka hayee
Ilmaha iga gurayaa
dadka kale magaaree

Maxaa gooni kaa dhigin
Gadob ma adigaa galin

Nina gabankii dhalay
Gacantiisa kuma dilaa
Ma markaad gaajootaa
Garaba maalin hubataa

Geeraaradaydiyo
Waxaan hadal ku gaabsaday
Gacantayda inaad kamaqantahay

Weligayga kuma arag
Galin hore naag rimi
Galabtii dhicisee

Cunto erayadeedoo
Heesuna aniga ii dhaaf
Ninkaa doonto guurso

Waxaa goostay kaligay
Gablo yaad ku dhiman
Gaaroo is dabaqabo
Ilayn waad gaboobdee

Ruux gacan ku dhiiglaa
Guri kula xaroon kara

Waa talo guracantoo
Maskaxdayda gali karin

Waxaa gaarka kahayee
Waa talo guracantoo
Maskaxdayda gali karin

Maxaa gooni kaa dhigin
Gadob ma adigaa galin

Nina gabankii dhalay
Gacantiisa kuma dilaa
Ma markaad gaajootaa
Garaba maalin hubataa

Geeraaradaydiyo
Waxaan hadal ku gaabsaday
Gacantayda inaad kamaqantahay

Exit mobile version