Heesta Dawo - Lyrics
Doorkii wax qabashada
Degdegsiyo fulintii
Daraad sidaa ahaan jiray
Maanta uma danbayn
Dookhaagaa i soo dabree
Awgaabaan u daalanee
Waa duruufta jacaylku i baday
Laba ducadiyo darka caashaqa
Ka durduurtoo daga noqonee
Dawooy daryeel kalgacaylka daryeel
Doodiyo dareenkii
Daryeeliyo dadaalkii
Doogta aan ka dhigi jiray
Naftu kama dawoobine
Dhulkeenoo dirir ku da'ay
Dul ubaxliyo dooxa wadhan
Indhuhu daawanaayaan
Laba ducadiyo deeqda maasha
DAA'IM barinoo waad i deeqdee