Indhahaa muuqa aragtida
Udug eegmadaaday
Naftaa bahideedii
Boholyow wixii jiray
Bogsotoo ilawdee

Waxaad baalo joogtaa
Meel yaroo banaaniyo
Dhirtu qarisay buuraha
Ilihuna burqanayaan
Iyo xili barwaaqo ah

Balan iyo qorshaha guur
Calaf baaja mooyee
Barbarkayga ha ubiqin

Nolol baaxadyo weynoo
Noo badhaadhe weeye guur
Barwaaqadu lasocotaan
Baryayaa ilaahay
Rabigay baxnaanada

Waxaad baafinaysaa
Anigaba imuu bixin
Baadi doonka raacdada
Habeenkoo badhtagaybaan
Soo booday awgaa

Exit mobile version