Runtii laba ruux haday
Rafiiqaan waayo badan
Riglina ku yihin jacayl
X2

Ridada xiisuhu wadiyo
Rogaal celiyan kalgacal
Rabina isla kaashadaan
X2

Rerkay dagayaan ilaah
Roobuu ku qaboojiyaa
Raaxay ku aroos galaan
X2

Rabiyow wanaag anigaa
Rabeee rajadaan qabo
Ii rumee raxmad adigaa
Hayee x2

Rag iyo dumar ruux kas-
Taba reer iyo guri baa
Uroon raxmanka haduu
Ka helo x2

Ragaadka markii aan
Qabay adaa ii roorayoo
Ilana rabay caafimaad
X2

Roonaansho allaa hayee
Labo aan kala raysaneen
Rumayso inaynu nahay
X2

Rabiyow wanaag anigaa
Rabeee rajadaan qabo
Ii rumee raxmad adigaa
Hayee x2

Exit mobile version