Heesta Saluugla - Lyrics
Saansaantaan naawiliyo
Saadaashaa muuqatoo
Sax ii noqotaan rabaa
Qalbigu tuu saanyadee
Sanado badan goobayee
Samuu raadraadiyaa
Dhulkoo sabo doogliyo
Sad iyo laba khayr heloo
Saldhiga hoy barwaaqoo
Saadaalo aamin idhaa
Inuu sakhiro ducada
Baryada sacabada furaa
Suubanida weedha iyo
Sifo iyo dhaqanka wacan
Sinaan lama wada helee
Sadrigu tuu doonayee
Hurdaba uga salalayee
Siraadka u taagayee