Heesta Basra - Lyrics
boholyowga caashaqee
mudo badan la jiifee
aan baxnaaninaayee
basanbaaska igu riday
boqoradaan jeclaayeey
basra jeexaygii
baladkay ku nooshiyo
buulayna maan tagin
maan tagin maan tagin
balad wayne maan tagin
indho kuu busaylaa
bildhaantaada doonee
bu'da araga hoosiyo
boogtayda maad dhayin
boqolaalka dumaree
barigaba ku noolee
adaa bilic qurxooneey
basarkaba wax dheer
baxsantaan gacloodee
bartii uu hadraawi
beer lula ku caashaqay
buundadii maan tagin
maan tagin maan tagin
balad wayne maan tagin