VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gaarnay - Lyrics

Gaarnay gaarnay Guushii noloshaab gaarnay Goobnay goobnay Gurigii jacaylkaan goobnay Waa maalin gaaroo Gooni inoo ahaatoo Guulaa aqbalay ducadii Calafkuna garab na siiyay Gablada iyo ciyaarta Ku soo dhaweeyoo guuriya Gacmo furan dhamaantiin Kusoo dhaweeyoo galbiya Gobsan waatane guuriya Guuxa guuxa Guga roob sidiisa guuxay Aqbalnoo gudoonay Ubixii guduudnaa gudoonay Guurkiinu waa khayr Gacalooy jacaylkii gaaxay Gogoshii jacaylkaan goglateen Galbiskiyo arooska u tuma Gablada iyo ciyaarta Ku soo dhaweeyoo guuriya Gacmo furan dhamaantiin Kusoo dhaweeyoo galbiya Gobsan waatane guuriya
Queue is empty
-- / --