dareen is yaqaana
inuu isu yeedha
lamaanaha yeesha
dadba is yidhaahda
xumaanta u yirsha
waxase ka yeela
labadii yaqiintu
kashood yaraydoo
labaal u shidnaaye

markan guri aado
intaad leexi tidhaahdo
yaasiinkaha qubee
ka ilaasho namiimka

inagoon ka yaraysan
yaqii qays iyo layla
jacaylkii dhex yaalay
yaanay nacabkeenu
ku yoobin sirteena

intii xanyagleesha
xumahaaga cilaysa
yuf kasii dhagahaago
yab ka dhe hadalkooda

Exit mobile version