ruux ku doortay oadoo diiday
mid kaa danaystay hada doonto
dookhii jacaylkii daraad xumaaday
hadaad dariiqii dib u dadayayso

dakharkii shalay adoon ka dawoobin
hadaad dab kale dalaq tidhaahdo
mid kuu daran iyo mid ku dagaya
hadaad dadkaba kala dayaynin
adaa duleeyoo isu daraadee
danahaaga raacoo ha ku deeqdo waanadu

ruux daraada intuu dayoobay
heedadabiyo daryeel filaayay
adaa u darnaado dabiibi waaye
maxaad ka doontoo u doonanaysay

Exit mobile version