inanyhaw la,aantaa
ma ahaan karaaay ee
uurkiyo wadnuuuba
adigay ku tabayan

aniguba la,aantaa
ogobeey abaayooy
istareexi waayoo
waan kuu ildaranahe

aheey urugadaydaay
eedaadka caashaqa
waxa oonka iga tiri
waa aragtidaadii

ayaan iyo nasiibkay
ugub ani i deeqaay
eraygaad i leedahaa
naftu aaminaysaa

aayaheen noloshaan
heeeeeee
intifaacsanaynaa
haye
axdigaynu dhiganaa
heeee
aqal roon roon ku dagayna
aayaheen noloshaan
heeeeeee
intifaacsanaynaa
haye
axdigaynu dhiganaa
heeee
aqal roon roon ku dagayna

ixtiraamka gobonimo
waxaa tahay indheer garad
oori loo ahaadoo
ubad loo xambaaree

isku filan ilwwaad qurux
ileen adiga mooyee
indhahaygu meel kale
miyay eegi karayaan

abid hayga dheeraan
hayga aadin meel kale
ileen kaama maarmoo
aragaygii baa tahee

ifka laba is aaminay
iska doortay qayrkood
inaan nahay ul iyo diir
ogoow aayahaygaay

aayaheen noloshaan
heeeeeee
intifaacsanaynaa
haye
axdigaynu dhiganaa
heeee
aqal roon roon ku dagayna

Exit mobile version