VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Booqo dhulkeena - Lyrics

dhulkeeni balaadhnaa baaxadiisu waynayd waanigii ka baadee BOQOROW i nabad gee boorama hargaysiyo bali gubadle iyo sheekh beerihii gabilay burciyo barbara buuhoodle iyo hawd badhan aynu gaadhno dahar aynu gaadhnee barta laascanood boosaaso iyo bari garoowaha ku baal naban ceel buur ku yaaliyo caabud waaq bu'deediyo guri ceel ha baal marin cadaado ha baal marin ceel buur ku yaaliyo jawhar bu'deediyo ceel dheer ha baal marin ceel baraf ha baal marin heelay heelay heelay waryaa waryaaba heelay heelay waa banaadir iyo xamar iyo boondheere iyo balcadiyo beerihii afgooya iyo allow yaa bildhaansada baay bilo yaa ku dhaxa bakool baraawaha boga xiga baladwaynta iyo caanka iyo bulaa buudiyo baldaymataba aan goobilii goobilow babaygii jamaamiyo goobile buwaale kismaayo iyo goobile bartu geelu daaqayiyo goobile baar dheeroo loo bogiyo goobile gedo baalaheediyo goobile balad xaawo iyo luug goobile baydhaboo badhtankeediyo goobile bardaaloo baaxad wayn goobile higtooriyo buur hakabo goobile markaan u baqoolo oo goobile goobile goobile ay hobaalayow hobolow hoba hobaalow kala baydh wajaale iyo saylaca bad dhaw lahow bilicdii jabuutiyo cali sabiix ha baal marin qoraxay bankeediyo girta oo barwaaqo ah allow yaa jigjigaay nabad kugu bariista hoobeey barbaarta intaa taalbaa hobeey hobeey booqo aan is leeyahayoo hobeey hobeey barasho iyo bariidaan hobeey hobeey ku sidaa bogaygoo hobeey hobeey beerkaa idin tabayee hobeey hobeey bulsho yahay ma nabadbaa hobeey
Queue is empty
-- / --