Heesta daweeya - Lyrics
daweeyaay niyad dabiiba
daryeelaay maan dugsiiya
naf deeqaay laabta daara
daneeya xubi u daa
haldoor waxaad tahay nin diinle
dulqaadiyo dabacsanaan le
adaa damac dheer dadaal le
damiir badan oo dareen le
adaa kaba duwan dadkeena
adaan kuwa daran danaynin
ku daahin kuna dana danbaabin
la dood galin duulka maanta
adaa dadka darajo dheerba
adaa danabyahaw i daara
adaa damal iyo digtoora
adaan daayacayn naf daashay
ku doonay anaa ku doonay
u diiday dartaa haweenka
u dooxay jacaylka docdaydee
u diir nax deeqa laabta
ku doonay anaa ku doonay
u diiday dartaa ragiiba
u dooxay jacaylka docdaydee
u diir nax deeqsi laabta
dagaaraay samo dakeeya
i doojaay ima duleeya
waxaan dalbadaba diyaarsha
bogaad dagtaybaa u dookhsan
duntii nasabkeen u daalay
aan doortee una dadaalay
ahaw nacab daran mid dayrsha
digtoonoo dagdag aqoonin
mid ii diran lana diraynin
mid ii dana lana dan seejin
mid ii dagan ina dagaalin
dawooy waxaad tahay ducaysan
waxad tahay darajadayda
midkaan dalbadee i deeqay
midkaan diifiyo dihaal badan
umaray dooxiyo duleedba