VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Dhaayaha Lyrics

Dhaayahaan kugu eegay
Cidkalena arkaynin
Awliyada dhashoodaay
Amaantaa ma daayee
Ashqaraaray dartaaye
Kulankii arageena
Kaftankii aragaagana
Ma ilaabi karaaye
Amakaagay anigu
Adna ma ila oodaydaa
Waanigan asqoobee
U ilmeeyay awgaa
Amakaagay aniguye
Macaan ma ila oydaa
Amaantaadiyo heesaha
Afku wuu xadayaaye
Alaw aanan ku waayin
Istareex hadalkaaga
Afku wuu xadayaaye
Alow aanan ku waayin
Ubucdaydiyo laabta
Adigaa iska yeeshay
Ka adkee nacabkeenoo
Yaanan eedsan jacaylka
Inta ooman ragoo dhan
Aigaan kaa ishaartee
Igu aamin dhankaygoo
Aan iska eegano koonka
Alow aynaan iswaayin

Lyrics by: anwar

loading..
-- / --