Heesta Jabuutaay allow ku daa - Lyrics
inagu jilib jilib ma nihin
jinsiyo qolo uma daganin
jiif iyo waxaynu nahay
jirid midha dhalisayoo
jiidhkaa isku keen damqada
ha jiro calankani ha jiro
jaliilkan kuu baryee
cadawgeenuna ha jabo
jabuutaay allow ku daa
jihaadbaa lagu heloo
jidka loo maray xornimo
dadbaa qudha looga jaray
ragbaa lagu waayay jeel
jalbeebtoon cidiba hayn
madax jir jiraan dhigayn
danteena ka jiibsanayn
jihaa loo wada socdaa
shicibkan u jeelan hawl
la jaan qaaday guul hantee