Hadal macaanee Hanaan qurxoon
Habeen dhamaantood adaa uhoreeyo
Had iyo jeerba horteeda joog
haruurta caashaqa ila wadaag

Haye haye hee waa inakaa
Haye haye hayee oo kumee
Wiilashayna iyo gabdhahayna

Habeen iyo dharaar hurdo ma seexto
had iyo goor waan kugu hamiyayaa
intaan huluubtaa isla hadlaa
Anigoo ku helin harsanba maayo

hagoogta qurxoon hiddaha wacan
hubqaadka wanaagsan baan ka helee
Halkaad ku abaabtay dhulkaynii hooyo
Yaaku geeya howdkii

Haye haye hee waa inakaa
Haye haye hayee oo kumee
Wiilashayna iyo gabdhahayna

Exit mobile version