muxibada kalgacal
maymuun darteed
muusaday qalbiga
laygu meeriyo

midhiidhkii kastaba
waan is moogane
intaa waan murmaa
waa mashquul

mooyiye iyana
meel ay tagtee
mar waxaan idhaa
mudo aamusnoow
magaceed u daa
mana maarmi karayaa

sida tahay mar uun
muqeed la arag
nololisaa indhaha
murugaysanban

kala ay mitoo
qosol mohashadiis
cajab meel dhigtoo
ma malayn kartide

Exit mobile version