saw kal kuu nugul
oo ku nici karin
kugumaan nabin

saw naftaydiyo
niyadayduna
kuma naadshaan

saw nasiibkiyo
niyadsamidii
naq masoo roogin

saw naxuustiyo
naar afuufkii
naxash muu korin

saw naruurooy
naaska caashaqa
inaan nuugnana
nidar kuma galin

nidar kuma galin
saw naftaydiyo
naaska caashaqa
inaan nuugnana
nidar kuma galin

saw nitaaqiyo
nabar damqadaa
inamuu dayn

saw nabaadiyo
nagaanshaha reer
nagi kuma nihin

saw niskii xalay
maanka nuuraay
nafis uma ladin

saw nasteexiyo
naxariis jacayl
nalku mu shidin

saw naruurooy
naaska caashaqa
inaan nuugnana
nidar kuma galin

nidar kuma galin
saw naftaydiyo
naaska caashaqa
inaan nuugnana
nidar kuma galin

Exit mobile version