Heesta Toos usoo soco - Lyrics
Naf tig tigan baan kugu
Tolanoo mas kal gacal
baa igu taagane
Naf ku tabi baa kugu
Tantoo tuf jaceyl baa
igu tiixayee
Tobyaha nolol waa tub
Toosane Raja tiigsiga ha
Takoorine ila taakuli
Todob lahaashaa igu tumaye
Tusma iyo guur itilmaamoo
Adi noo tali
Iga tabiyaa ku taxan wadnaha
Bartii ku taala toos u so soco
Tiirka dhabarkiyo taagta
Leeyahay taabuq aadoo
Toos u soo soco
Taan tilmaamteen Tiigsanaayiyo wax tarkeygaay
Tunka soo fuul
Kaan tixgaliyey tiigsanaayow
Taban taabiye tunka bal isaar
Wax tarkeygaay tunka so fuul
Taban taabiyo tunka bal isaar.