A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z

Jaliil – Casha Lyrics

Jaliill waxa uu kuu qoraa
Marnaba cidi joojinee
Jarmalka anoo soo mariyo
Jid dheer waxaan soo socdaba

Hargays/kismaayo goortaan dhax imid
Jacayl igu beermaybaa
jaleecada daymadana
Midaan laga jeesan karin
Naftaydii jiidatoo

Qalbiga jeex iga taaliyo
Joogdhayr caasha casha
Casha soo maan baran

Jidkii nolashaydiyee
indhahu waa jowharaada
Jalbeeb hadalkaagiyo
La joogaagaa jeclahay
Marnaba kaama joogi karo
Marnaba kaama jeesan karo.

Sida jeegaanta roob
Naftaa kugu jeelanoo
jamasho intaan kuu qabana
Marwooy hurda jiifsan waayana
Jalbeeb goortaada tiraahada
Jawiga ii hagaagsanaa

jaleecada daymadana
Midaan laga jeesan karin
Naftaydii jiidatoo

Qalbiga jeex iga taaliyo
Joogdhayr caasha casha
Casha soo maan baran

Jidkii nolashaydiyee
indhahu waa jowharaada
Jalbeeb hadalkaagiyo
La joogaagaa jeclahay
Marnaba kaama joogi karo
Marnaba kaama jeesan karo.

Queue is empty
-- / --