Heesta Guur - Lyrics
Waa gabar asluub badan
samo lagu gardaadshoo
ubarbaartay guri wacan
gob weeye wiilkuye
indheer garad aqoon loo
doxsinimo u gaar tahay
geestaam u eegaba
gacal isu qalmaa tihiin
guri nagi ahaadoo
guuleysta waligiin
waa geenyo sharaf iyo
qurux lagu galadayoo
guulaheyba siiyee
geesi weeye wiilkuye
ma gabade halyeeyoo
gar naqaaya samahee
geestaam u eegaba
gacal isu qalmaa tihiin
guri nagi ahaadoo
guuleysta waligiin