logo Masuul Top 100 songs lyrics chart Contact


A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ka ilaali mp3 ahaan

Sawirka Ahzaab osmaan

Ahzaab osmaan

DajisVideo info Whatsapp

Our Snap: Lamaane

Embed

Fikradaada ka dhiibo heestan

Ka ilaali lyrics

kalgacayl halis weeyoo
waa hoobaan iyo raaxo
ishaana horseeda
oo waxaana hilaadsha
halbawlaha dhiiga
wadnahaaba hab siiya
oo hareeraha beerkuu
waa halkuu dago weeye
ka ilaali hantaaqo
hagardaamiyo dhaawac
wax hodaaya habeen
hodaneeey ka ilaali
Lyrics by Masuul.com

sida heego daruura
oo ku hoortay hoortay
dhul habaasliyo boodhle
geedo soo horisoo
intay beel ku hayaantay
heeryadii dul dhigteen
sida looga helaaa
ana lay hantiyee
jacayl way hantiyee
ka ilaali hantaaqo
hagardaamiyo dhaawac
wax hodaaya habeen
hodaneeey ka ilaali

heesta ma shaqeeneeso fadlan nala socodsiiy
-- / --