VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z

Ku soo dabaalo Lyrics

ma garan caashaqan i galay
ma garan goortuu i helay
ma guursanin aawadabaan
kalgacalka usoo godlaayee
goormaad timid waan ku tabaye
jidhkiyonaftayda ku gam'a
sidaad doonto ugu galgalo
ma garan caashaqan i galay
ma garan waan gaaxiyoo
gu'yaalbaan kala maqnaynoo
waqtigu wuu gaabinaayee
goormaad timid waan ku tabayee
muuqaaga iyo aragaaga wacan
markaan milicsiga ku dayay
ma hiigaan caashaqiyo
miiraale igu okonday
mawjado ila sara tagaa
naftayda maquuniyoo
badwaynbaan maaxayaa
naftana madigaa u daran
mataan kula noqonde
sidaan muhashada jeclay
macaanow maya ha igu odhane
markaan mud aan nastee
maleeystay inaan bogsaday
muraayad qalbiga ku taal
ayuunbaad ka muuqataa
markaan muxibad jacayl
mir dhexe soo sara kacay
adoon maqanbaan arkaa

Queue is empty
-- / --