Soomaalaay u dhalatoo
Samaan bay ku abaabtoo
San ku neeflaha oo idil
Waxaa loogu soocaa
sifaheeda gaarka ah

Camal suubanaantiyo
Xubnaheeda simaniyo
Suuradayda quraxda leh

Saadirkii abuuraa
haybad gaar ah siiyoo
Cidna lama sineen suuban
Hablahay usidataa

Soomaalaay u dhalatoo
Samaan bay ku abaabtoo
Sariga iyo xishoodkaa
Samirka iyo dulqaadbaa
Rabbi hibo usiiyayee

Saluug ma eh inantuyee
Oo waa serma waydiyo
Sareedo la heli karin

Saadirkii abuuraa
haybad gaar ah siiyoo
Cidna lama sineen suuban
Hablahay usidataa

Exit mobile version