Sida loo dajiyo
1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad ku dajisan karto waa adigoo mobile kaada ku shubto barnaamijka "Masuul somali music" waxaad ka isticmaali kartaa iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor Masuul
2. Qaabka laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddi dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Xiisihii bilaabmiyo
Kawacan barasgadeennii
Halkii uu ka bilaabmiyo
London baallaheedii
Weli beerka hoosiyo
Badanka kama bixin
Boholyoow dalkeennii
Dalxiiskeennu boganniyo
Baradii jacaylkiyo
Berberiyo hargaysiyo
Boorama duleedkeed
Naftu weey ku baantaa
Waa lahasho igu badan
Adna kaa ba’aynoo
Xusuusahaan bahloowan
Baryo samo kuddoognaa
Baanisaha kalgacalkiyo
Bilistaan kuyeeshaay
Beertaan istaagniyo
Bermingham ma mooganeyd
Mana baaba’ayso
Maankayga kama bixin
Booqasheedii dhulkeeniyo
Booyteennu raacniyo
Barihii sanaagiyo
Baladweyniyo xamar
Jilib baallaheediyo
Naftu weey ku baantaa
Waa lahasho igu badan
Adna kaa ba’aynoo
Xusuusahaan bahloowan
Baryo samo kuddoognaa