doqonkaa dilaaya dadkiisa
dalkiisa ugu daw galay dagaalka
dadyahaw maxan kayeelnaa

dumarkiyo cugaashii lalaayay
doolarkiyo dahabkii lagaatay
dad yahaw maxaan kayeelnaa

iskubax kubaxa dareen laawee
diintii laguu dhigay miyaan kugu sooduxaynoo
umada aad kadaaysaan dacdaradaad kuhaysan

da yartii la dumiyay qarankooda
dugsiyo daruus aan dareerin
dad yahaw maxaan kayeelnaa

dulmigaan kudaahay dalkeenaa
dunidoo idil layaabtay
dadyahow maxan kayelnaa

Exit mobile version