aayihii danbeetiyo
ubixii dalkaygoow
waayo soo iftiimoo
loo ayaamo tiriyoo

tacliintaad idlaysee
maaha inaad abaar iyo
dhoobada ku astaan
umadii dadkaygiyoo
arligaa idin sugaayee

hadmaad oogsan doontaan
dib u eegi doontaan
anfaca udaraysaan

waxa timid ayaantii
amiinta ayaynu nogan lahay
nabad loo adkeeyaa
calaad lagu afjari laa

omoskiyo haraad kii
arimaha qabiilkana
araxan looga nogonlaa
indheer garad utalinlaa
aafada kadhicin laa

Exit mobile version