VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dastuur qoys - Lyrics

Dunidu waa caynba cayn
Hadh iyo labadiisa dacal
Dadkaa iska noocya badan
Waxaan doorsamin ma jiro

Hadaan dibjir soo ahaa
Dastuurkii qoys ka tegay
Waxaan dambarkiisa dhamay
waayuhu darsiguu i baray

Kooris
Dareemay inaan gafoo
Intaan qoomamo la dumay
Daliishaday tixdii ahayd
Durduro geel baa ku jaba
Dantuna waa seeto adag

Baydka labbaad

Dulucdu waa sheeg wanaag
Illaah weeyaan dartii
Inaan halis kaaga digo
Damiirka san baa i faray

Daryeel iyo wada jirkeen
Anaa u dedaalayee
Dayaca adiguna ka dhowr
Docdaadana sii adkee

Kooris
Dareemay inaan gafoo
Intaan qoomamo la dumay
Daliishaday tixdii ahayd
Durduro geel baa ku jaba
Dantuna waa seeto adag

Erayada Abwaan Culus  Maydhane Xasan Maydhane

Laxan Xuseen Shire

Musigii Xuska Xaaji

Queue is empty
-- / --