Heesta Gudoon - Lyrics
Hobaloow heeley
Waayaabaalee
Hobaloow heeley
Waayaabaalee
AJ:
Qaan gaar gashantidaan
Gu iyo labo dhaaftayee
Gayaankaa kaa xushee
Fowsiyo fanka:
Sidii Geed dama lahoo
Guntiisa ruuxii harsadaa
Gam'ayaa adaa ka dhigan
AJ:
Gabdhahaan kaa doortayoo
Hablaha gaar iga tahee
Garaanta jacaylka qabo
Fowsiyo fanka:
Waxaa tahay geesiyoo
Gob iyo kaan guursanlahaa
Haduu calaf ii galee
AJ:
Gudoon Caashaqa godladay
Gudoon gaafiyo aroos
Gudoon galbis iyo ciyaar
Nafta hoo iga gudoon
Fowsiyo fanka:
Gudoon kalgacal
Gimgiman gudoon
Xiisaha Guntaday
Gudoon lama gaabinine
Nafta hoo iga gudoon
Hobaloow heeley
Waayaabaalee
Hobaloow heeley
Waayaabaalee
Eryadii: Abwaan ismaaciil cawriye
Laxankii: Aadan xuseen karoone
Muusigii Maxmamed karaama
Hambalyadii Maalmo