VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Laab dooxaantaad - Lyrics

"qof bad wayn la dagtoo dabaalna aan garanayn daadihinbay u bugtaaye inan ragow dar allee waan ku daawanlaa dadku inuu is bartaa dookh jacayl ka horaysee nin dariiq maraaya ina la soo daf idhaa dadow waa iga su'aale dar alle ma saxbaa qofka dookhu ku raacshee jacaylkiisa dartii cuntadiina dajin waaya kuuna diir naxaynin dad waynoow waa iga su'aale dar allee ma saxba ruux hada waa ruux waali dayoobee qoraxdoo duhurjoogta habeen dam ah moodee dadow waa iga su'aale dar alle ma saxbaa" raga doorkii aan ka dugsanayow naftu daa'in abid daynayninow raga doorkii aan ka dugsanayow naftu daa'in abid daynayninow waxaan doonayaa inaan dadab galnee daaqadaha rajada ha daboolino waxaan doonayaa inaan dadab galnee daaqadaha rajada ha daboolino laab dooxantoo dawadeeda tahay dayro ha ka dhigin laab dooxantoo dawadeeda tahay dayro ha ka dhigin dabna ha igu shidin ee ila dadaal dabna ha igu shidin ee ila dadaal laab dooxantoo dawadeeda tahay dayro ha ka dhigin laab dooxantoo dawadeeda tahay dayro ha ka dhigin dabna ha igu shidin ee ila dadaal dabna ha igu shidin ee ila dadaal ceel dayn ahoo dawlis kaa raba iyo dabar lagu cabiyo dooq haysinkii ceel dayn ahoo dawlis kaa raba iyo dabar lagu cabiyo dooq haysinkii waa hadal da' wayn tusaaliyo digniin aayaha danbana darsi kaaga dhigan waa hadal da' wayn tusaaliyo digniin aayaha danbana darsi kaaga dhigan ee dib isu qabo hana daalinoo hadal yuu ku dilin niyad kaa dadbana kuma diir naxdee niyad kaa dadbana kuma diir naxdee ee dib isu qabo hana daalinoo hadal yuu ku dilin niyad kaa dadbana kuma diir naxdee niyad kaa dadbana kuma diir naxdee dareenkaygiibaad duwatoo adaan dadka kaa xushee naftan aan doc kale dareenkaygiibaad duwatoo adaan dadka kaa xushee naftan aan doc kale dabaysheedu marin ee kuu ila daran usoo diir naxoo dawadeeda garo dabaysheedu marin ee kuu ila daran usoo diir naxoo dawadeeda garo laab dooxantoo dawadeeda tahay dayro ha ka dhigin laab dooxantoo dawadeeda tahay dayro ha ka dhigin dabna ha igu shidin ee ila dadaal dabna ha igu shidin ee ila dadaal laab dooxantoo dawadeeda tahay dayro ha ka dhigin laab dooxantoo dawadeeda tahay dayro ha ka dhigin dabna ha igu shidin ee ila dadaal dabna ha igu shidin ee ila dadaal dadka lama qasboo raga laguma dayo wuxuu diidayee damac dheeridaa dadka lama qasboo raga laguma dayo wuxuu diidayee damac dheeridaa waa dardaaranoo danbay kuu tahee xishoodkii ha dayacin dumar uu lahaa ee dib isu qabo hana daalinoo hadal yuu ku dilin ee dib isu qabo hana daalinoo hadal yuu ku dilin niyad kaa dadbana kuma diir naxdee niyad kaa dadbana kuma diir naxdee
Queue is empty
-- / --