VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qaahira - Lyrics

qardajeexa socodkiyoo qalqalooca geeddiga inaad qarisay mooddee waan ogahay qiyaanada anna quruxda caashaqa ku qotama ujeeddada haddaad qaybi leedahay ood qiimahaygiyoo quursanayso sheekada xaajadii qalibantoo qalinkeey urogantaa anna kaa qatooboo qaybniyo buseelbaa wada qaadan waayee qayayaabay aniguyee jacaylkaagu qaahira ma qudbibuu kuleeyahay quruxdiyo kalgacalkiyo lama qooma sharaftoo qalbi aan kunicin weli qalad laguma sheegee qoraxdiyo iyo ayaankaa qayiraaya noloshoo qajasha eexa keenee qaybtii shalaytaa ka qawaday haweenkuye xeerka qoysku leeyahay ayaa qoobka naga xiray oo qaraabadiyo yiri meel ha qabanina waa qodob su aallee qalinkii saxiixiyo bal halkuu ku qoranyahay qotadiisa ii sheeg sidaan kuu qadarin jiray qandho kaaga bixin jiray kuu dhaafshay qayrkaa kuma qiima gelininee qoon dhaladka caashaqa ila qaybsan weeydee waxbaa kuu qarsoonaa intaad ii qoslaysee qalbigaagu meelkale haddii ku qoranyahay isku qaylin maynee anna quusaydaa adiguna qorshaysee kii kuu qallaba raac waasa qodob su aalee jacaylkaagu qaahira ma qudbibuu kuleeyahay qaabanqaabadeennii nafa qaysigeeeennii qalbigii fayoobaa anba waan ku qaabilay kaa raaca qayrkay kula qaad caashaqa ha i quusin hadalkee maxaa ii qarsoonaa miyaa la ila kaa qabay sidee iigu quudhaa waxaan meesha qabanayn waxaad qoonsaneysee qabaxduna ka joogtaa ma qaraaraad gaadhaa qalinkii saxiixiyo bal halkuu ku qoran yahy qotadiisa iisheeg..
Queue is empty
-- / --