VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hani mahadsanid - Lyrics

Hablihiina kaligaa Ku hawaysaday Hamiyo kalgacayl Ka hawaawiyay Nafta waad hanatee Hambalyaan idhi Hadalkaad i tidhaa Haye baan idhi Weedhaada haboon Ku haraad baxay Oo hubaashii macaan U hanuunsamay Ku heloo adi Happy baan galay Ku heloo adiga Hurdadaan laday Ku heloo adiga Farxada hadhsaday Ku heloo haniyeey Nolol baan helay Kuma huro waligay Kaama hadhi karo Oo inaan ku hantaa Hadeed igu filan Horjoogaaga qudhaa I haraad tira Nafta hiil iyo hoo Adigaa u huray Hareerta ila qabtoo Talo ila hufay Oo hankayga dhistee Hani mahadsanid Ku heloo adi Happy baan galay Ku heloo adiga Hurdadaan laday Ku heloo adiga Farxada hadhsaday Ku heloo haniyeey Nolol baan helay
Queue is empty
-- / --