Hablihiina kaligaa
Ku hawaysaday
Hamiyo kalgacayl
Ka hawaawiyay
Nafta waad hanatee
Hambalyaan idhi

Hadalkaad i tidhaa
Haye baan idhi
Weedhaada haboon
Ku haraad baxay
Oo hubaashii macaan
U hanuunsamay

Ku heloo adi
Happy baan galay
Ku heloo adiga
Hurdadaan laday
Ku heloo adiga
Farxada hadhsaday
Ku heloo haniyeey
Nolol baan helay

Kuma huro waligay
Kaama hadhi karo
Oo inaan ku hantaa
Hadeed igu filan
Horjoogaaga qudhaa
I haraad tira

Nafta hiil iyo hoo
Adigaa u huray
Hareerta ila qabtoo
Talo ila hufay
Oo hankayga dhistee
Hani mahadsanid

Ku heloo adi
Happy baan galay
Ku heloo adiga
Hurdadaan laday
Ku heloo adiga
Farxada hadhsaday
Ku heloo haniyeey
Nolol baan helay

Exit mobile version