VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hoodo - Lyrics

Niyada hadafkiyo Hamiga gaadhaay Ilaa da sahanke Ku goorayey haantay Hilaaca biligliyo Roobkii ihela Hantiyo kalgacayl Qalbiga hadhsataa 2x Haday maqan tahay Midaanan hadh galin Naftani ku hamidoo Hurdada xawishee Shaqadii hakiyo Dartaa hawlihii Hankaa u sal kacay Halkaad joogtooo 2x Laabtayda habaay Naftayda hagaaay Mulki dunidee Nolosha ku helaay Hoodo quruxey Sharaftan huwadaay Jacaylka u hano Sidan u hayoo Ku hay adiguna Halku ku hudmay 2x Hidaha dhaqankiyo Hubqaad hoylaay Habkii xaragda Hanan socodlaa Halhays la dhaxliyo Taariikh ka hadhaay Haweenba dhamaan Habluhu ku daydaay 2x Hanka kaabaay hadhac Aan ku nastiyo Hogosha iidahdiyo Naqaan ku hirtaay Ceebaha iga hira Habeen ima dhiba Habeeya rabow Balaayo ka hay Habeeya rabow Balaayo ka hay 2x Laabtayda habaay Naftayda hagaaay Mulki dunidee Nolosha ku helaay Hoodo macaneey Sharaftan huwadaay Jacaylka u hano Sidan u hayoo Ku hay adiguna Halku ku hudmay 2x
Queue is empty
-- / --