Heesta Miyaan kuu cuntami waayey - Lyrics
anigoon calooda muujin
kuna ceebsan wali maalin
kula ciida guushaada
naftan kuu cidloonaysa
bal maxaad ucugan wayday
niyad adiga kuu ciilan
laab cabasho kuu keentay
qalbi caashaqii laabtay
miyaad caawin kari wayday
cindigiyo wadiinkaaga
maxaan ugu cuslaan waayay
maxaad ii cisayn wayday
caadi iigu noqon wayday
miyaan kuu cuntami waayay
anigoo kuudaray ciidan
cadawgiina kaa darshay
cidkastana anoo taada
sicad uuga horaysiiyay
miyaad igu caruurawday
kulankiyo caways keena
farxad curatay weeyaane
marka aad cabaar joogto
maxaa kaa cadhaysiiya
cindigiyo wadiinkaaga
maxaan ugu cuslaan waayay
maxaad ii cisayn wayday
caadi iigu noqon wayday
miyaan kuu cuntami waayay