VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Amba baxaye - Lyrics

Ahmed Ali Cigaal sida ubax gudoonsadey ama keyn ugbaadloon afka saarin xooluhu adiga oon ii iman urta caafimaadka leh koley adiga inaad tahey sow udgoonkii maan garan ma ogtahey jaceylkuna eebadu sitaa waa halis wadna kaala eegtaa adna uu xidid iidarey ambabaxayee socodka inaan eebe igu qadin adiguna dheh amiin axdigana ha fududeyn Aamina Cabdilahi sida oogta waa bari ama maalin iida ay tahey dadkoo idil soobaxey aniga oon ku arkeyn amba sow il duufkii sidey adiga ila tahey noloshaa ileyskii ma ogtahey jaceylkuna sida godonta beekriyo uurkeyga reenkaa anna kuugu ololaa kol hadaanad ooleyn inaan eebe kugu qadin aamina kuu idhi axdigana ha fududeyn Ahmed Ali Egal sida mayey arooryaad ama ilo biyo lahoo onkodiyo hilaac marey adiga oon ii iman sow uduga fooraha koley adiga inaad tahey oogada kamaan garan ma ogtahey jaceylkuna indhahaaga oo shana sidaad iigu oydaan anna kuugu ilmeeyaa ambabaxayee socodka inaan eebe igu qadin adiguna dheh amiin axdigana ha fududeyn Aamina Cabdilahi sida idin barwaaqa ah ama ugub caleenloo dheregtey ugaadhuna amba sow uqiyo leyl imaanka waxa suga sidey aniga ila tahey kama garan ulajeedada ma ogtahey jaceylkuna siduu kuu abaaruu olol kaaga shidayuu anna ii aafeeyee kol hadaanad ooleyn inaan eebe kugu qadin aamina kuu idhi axdigana ha fududeyn
Queue is empty
-- / --