VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gari Makaa Baxdaa - Lyrics

gari makaa baxdaa adiga ma ku gashaa adiga ma ku geydaa adiga talo makaa go'daa gabadhyahey nin baa yidhi ha gardaayo caashaqa kalgacaylku gob weeyaan kii la caabin weyaan hadalka iyo guntiisii ugu galey halkisii mise geedi baa dhiman gari makaa baxdaa adiga ma ku gashaa adiga ma ku geydaa adiga talo makaa go'daa jaceyl guulalee rabaa gacmo furana lagu darey farxad lagu gardaashaa gabdho loola ima jirey ninba miraha uu guran geedka wuu yaqaan noloshiisu waa u gaar gari makaa baxdaa adiga ma ku gashaa adiga ma ku geydaa adiga talo makaa go'daa garcadaawo sheekada gar miyaad ku goyseen u baratey gaadmada iyo uur ku raagnimada usha xubinta laga goyn geel jiraa yaqaanee maxaa adiga kaa galey gari makaa baxdaa adiga ma ku gashaa adiga ma ku geydaa adiga talo makaa go'daa godob ruuxii laga galey gocashada ma daayee kii galeyna maba oga gashiguu amaahdee sarbeeb la isu guud maro gudhan baa hor joogtee waa inoo gun iyo baar gari makaa baxdaa adiga ma ku gashaa adiga ma ku geydaa adiga talo makaa go'daa aanu gorey haldhaa iyo guryo dhaaxo taagee adna garayo cawliyo geeli ooman baad tahey shimbir garab la baad tahey gudgudaha dhawaaqa garbo yaanu kaa ridin gari makaa baxdaa adiga ma ku gashaa adiga ma ku geydaa adiga talo makaa go'daa gobi waxey u hoyataa guri nabadi talaa garna waxey taqaanaa ka garaabaheedii waxii sheeko kuu qaba hadaan maqalka laga gurin inuu gaabsadaa u roon
Queue is empty
-- / --