Hadal ii daboolnaa
dadka aan ka qarin jirey
ooy dani itidhi sheeg
diirka aan ka qaadee
maw tahay diyaar
mise waaban daayaa
hay dilo jacaylkuye
……………..
aniguba dadkan ahay
dakanidi ku gaadhey
daqarka aad ka qarisee
ma dagana warkaaguyee
ma dagana warkaaguye
bal doc uun isugu beydh
waxii kugudaran sheeg
halagaa daweeyee
………..
sida waqal daruureed
da’ay waa dhawaadkii
caashaqa dharoore
intu dagay wadnaha
iga rogan waaya
inuu kaa durkana diid
waan kula dul joogaa
……..

anba nabar damqa
iyo dubaaqeygan caashaqa
ka darey waayadan
waxse aan ku daynllahaa
mar haduu ku dagay
adi ana kuu diyaaree

lyrics by Moha Ali

Exit mobile version