VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Labadeena googaa - Lyrics

Wali gabadh ma sheekeesateen
Kaftan aan lahayn godob
Ma isku gacal miisteen
Hadalkii guddoon wacan
Maku gaba gabeeseen

Halkaa guul midna ugeey
Labadeena googaaa
Maad garan xisaabta
mise geedka haraha la
hoostiisa waa guba

Wali guluf ma hees-heesateen
Dagaaal labada geesood
Foodda ma isku galiseen
heeriyaal fuli ah
Geesiga makal baxay
Halkaa gudub halna
Hadalna ha galin

labadeena googaa
Maad garan xisaabtaa
Mise geedkii miro leh
Idinku waad iska gurataaan

Haddi guri aad leedahay marti
kuu timaada guri nool
Maaad ku dhaafi gaajada
Mise waxaad ka sii hali
oona kalsooni goibanimo

Hal guracan haddana oo garo
Labadeena googaaa
Maad garan xisaabta
mise geedka haraha la
hoostiisa waa guba


Haddii gacalku sooryahay
Gasariirka ceebtiyo
Maad ka baqan gadaafada
Mise gogasha taaliyo
Waad ka guran alaabta

Hal maad geen midna guran
labadeena googaa
Maad garan xisaabtaa
Mise geedkii miro leh
Idinku waad iska gurataaan

Queue is empty
-- / --