VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sharacalee - Lyrics

Daruuraha cirkoo shuux soo shubey aroornimo dabeyluhu shanqadhiyuu shabax leeyihiin doogii Shishe qofaad u jeceshahay sheeko ma isla oogteen iyo shuqulka caashaqa baahida ku shawtin idinkoon wax sheeleyn sheekada ma qabo dhigin sharacalee xishood jira waa shax laba gayaanee siyar maw shushubiseen. Shishe qofaad isu tiqiineen adigoo shida u qabey jaceylkaa ku shidayee sheerayahaagii shiifteen Damqashii ku shaqalneyd sheedaha xubnaha culus shey duuley weeyee markuu shiiqey nabarkii idinkoon wax sheeleyn sheekada ma qabo dhigin sharacalee xishood jira waa shax laba gayaanee siyar maw shushubiseen Sheeka habeen adoo rabey sheeka iyo waxyeeliyo kaa maarey sheydaan shariyaha ma kulanteen waxaad shaamareerkiyo shawgii kalgacalkii xidigaha la shawrtaba maka qaadey shaacii idinkoon wax sheeleyn sheekada ma qabo dhigin sharacalee xishood jira waa shax laba gayaanee siyar maw shushubiseen
Queue is empty
-- / --