Hinaasuhu waa kadeed
Kufiyo kacay waa wareer
Kulaylbuu kugu dhashaa
Kurbayni ogaa naftana
Kurbayni ogaa naftana
2x

Hee kas rageed kugu hoorsadaa
Qofkuu kooraha sudhana
Karkaarkuu is dhaafiyaa
Karaamaduu kaa lunshaa
2x

Sidii ubixii karmeer
Midkaan ku il doogsadoow
Kunkaa badanee ragaa
Kali kaala soo baxoow
Adaan kali kugu ahee
Kadeed adigoon i badin
Nolosha ila kaalin gali
Kadeed adigoon i marin
Nolosha ila kaalin gali
2x

Exit mobile version