VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacayl Dhaba - Lyrics

Dhuumaha laga neefsadiyo Laftiyo dhuuxaad dagtoo Hadaan dhaayuhu ku ara? Malaha waan dhiman lahaa Dhamaan xididada jidhkiyo Marinka dhiigaad xushoo Sidii ruux igu dhex nool Warkaaga ii dhadhama Jacayl dhaboo dhinbila Dhaaxaan soo wada marnee Ka raystay dhibkii horoo Dhiishani ubaxa gudoon Dhigaa ruux kula midoo Dhismaha qoys kula matala Dhabarka wali laguma qaadin Dhulkana cago wali masaarin Haduu caashaqu dhabyahay Anaa helay geesi dhiiran Sidii ubadkiyo dhalaan I dhawrtoo ina dhagaysta Dhamays waxa tahay dhabeel Dhismaha sida dheeman luul Dhidigu ka masayrsanyihiin Waliba dhaayahayga bila
Queue is empty
-- / --