Heesta Sadaqada Bixiya - Lyrics
Sadaqada Bixiya : Erayadii Mohamed Deeq Alfa
chorus
Sadaqada bixiyoo
ha baqeylin weligaa
ku badbaadi dadkaagoo
boqolkaad direysaan
beriba waad heleysaa
Page 1 (Qoomaal)
Boqorkaa wax heystee
Aan baahan weligii
Waatan abaar ba'aniyo
Boqolaal kunoo ruux
Beerahiyo xoolahoodii
Maalkoodii baaba ay
chorus
sadaqada bixiyoo
ha baqeylin weligaa
ku badbaadi dadkaaga
boqolkaad direysaan
beriba waad heleysaa
Page 2 (Canab)
Waa baaq dardaaranee
Bulshayahay dhamaantiin
Isku beer nuglaadoo
Waa inuu maanta bixiyaa
qofba baaxadiisiyo
intuu beeso helikaro
chorus (kuligooda)
Sadaqada bixiyoo
ha baqeylin weligaa
ku badbaadi dadkaagoo
boqolkaad direysaan
beriba waad heleysaa
Page 3 (Teesiyoow )
Barbaar iyo cirooliyo
hooyada balanbaleysee
biyo iyo baad la aan
baaheshay waa bestoodoo
naxariista badiya oo
rabaa naf badbaadshee
chorus
sadaqada bixiyoo
ha baqeylin weligaa
ku badbaadi dadkaaga
boqolkaad direysaan
beriba waad heleysaa
Page 4 (Hawo Kiin)
Ubadkan booyaayee
beerkiyo bogoodiyo
bar jirkooda qalalay
kuu baahan maantee
bile hadduu kusiiyey
bixi intaan kareysee
chorus
sadaqada bixiyoo
ha baqeylin weligaa
ku badbaadi dadkaaga
boqolkaad direysaan
beriba waad heleysaa
By: saciid bulxan