Dhaayaha u roonoow
U roonoow dhugasgadaadii
Jacayl aan dhamaanbaa
Dhinac dagay wadnaha oo

Dhuuxiyo laf dhabartiyo
Dhiiguu qaadayoo
Dhamaan oogadoo idil
Wey dhalaaliyoo Wey dhalaaliyoo
Wey dhalaaliyoo Wey dhalaaliyoo

Adaan iga dhabar adaygin
Dhaliil kaama filayee ayeeye
Ii dhago nuglaadoo awoowo
Dhakhso soo hor caashaqa

Dhaayaha u roonoow
U roonoow eexashadaadii
Waa la i dhex qaadoo
Waanigan dhadhabayee

Dhawaqaaqa hadalkaan
Dhiiranoon jeclaystee
Hadmaad soo dhawaanoo
Oon kaa dhursugi Oon kaa dhursugi
Oon kaa dhursugi Oon kaa dhursugayaa

Adaan iga dhabar adaygin
Dhaliil kaama filayee ayeeye
Ii dhago nuglaadoo awoowo
Dhakhso soo hor caashaqa

Exit mobile version