VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Murugada jacaylka mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Araweelo
Murugada jacaylka

Miyaad ku noshahay jaceylka
Miyuu ku nagaaday beerka
Naftaada miyey naftiisa
Naxariis ka heshaa markiisa

Miyuu nool yahay jaceylku
Miyuu neefsadaa sideena
Ma maareeyaa taantaada
Miyuu damqadaa sideyda

Miyanada ogeyn xogtiisa
Martida inanu sorin dhibtisiyo
Mahadhadiisa inuu
Meel daran haleelo

Miya maqasha warkiisa adigu
Matashaa sidiisa
Maxaa ku baray xeeladiisa
Ma riyaad araktaa sideydaa

Anaa magan saday jaceylka
Mudana jogay aktiisa
Mana helin aayihiisa waxan howl maray dartiisa

Halkaa maamus ka weyday Anu murug uma yeesho Maciina u raadsan
Maayo xagiisana
Milicsan maayo

Mar bey murugada jaceylku
Maankaaga noqotaa
Mar buu uyahay ileyska
Indhaha qalbigiyo maanka

Miyaanu damiir lehyn baa
Miyuu aadmiga jaceylku
Mugdiga intuu ka saaro
Milgaha iyo sharafta dhowro

Mar buu geeyaa naftaada
Meel kuu daran aduunka
Maran midaa sidiisii
Marbey mohataa naftaadu

Ma ogi hadimadiisa ciilkiyo
Murigadiisa wax
Maqashaye nafteyduye
Miyaa laga helaa dhulkeena

Anaa magan saday jaceylka
Mudana joogay aktiisa
Mana helin aayihiisa waxaan
Howl maray dartiisa

Halkaa maamuus ka weyday
Anu murug uma yeesho
Maciina u raadsan
Maayo xagiisana
Milicsan maayo.

Lyrics by: Abdi deeq

codkii Araweelo