Darmaan quruxlay
Qalbigayga dihataay
Dabiib ahaan kaay
Duriyadii nasabeey
Daweeya dhibtaay
Samahana doonay
Daryeela naftaay
Dugsiiya kaabaay
X2

Cad ceed duhuroo
Dunida ifisaay cirko
Da ayoo dhibicda
Dad shaay doogoo
Baxayoo ubaxa
Daadiyaa X2

Dantayda hagaay
Hormuud dumaray
Duruuftaydaba mar
Wada dabartaaay
X2

Waxaan doonaba
Durba ifahantaa
Anoo uba dirin
Deg deg fulisaa
Farxadayda daaray
Dayax iyo nuuray
Mid iidiranoo ku
Doogsadayay
X2

Dabeecad sanay
Raxmadii duniday
Dahabkii noloshee
Faqriga damisaay
Ubadkay dihatana
Diinteeda bartaay
X2

Dantayda hagaay
Hormuud dumaray
Duruuftaydaba mar
Wada dabartaaay
X2

Exit mobile version