Heesta Dood Jacayl - Lyrics
dooqaa neceb xogtiyo
nafkaa durugtaybaan
daba qaadayoo
hawraar duxdiyo
meeshaa dooni hoo
hadal kama dagee
waxaa daran naftaa
kala dooratoo
ficil ilaa durkaa
doqon wax u dhigoo
dulqaad iyo nasiib
isla daalanbaan
wada daadahshaa
shaadaay aragtidaa
naf kuu daalanbaa
ku il doogsatee
gudcur da ay cirkiyoo
daruur hoortaybaan
ku doon doonayoo
dibad dhexe shanqara
dugaagii boxoo
daraadaa gud gudee
dibaad iga heliyee
damamsadey hilaac
dabaashiyo rahuu
doobida yaqaan
damac iyo kal gacal
la igu daabaybaan
duugoobinoo
dayay meel fogee
duni kala tagtaan
soo dalan dalshoo
waxaa daran naftaa
kala dooratoo
ficil ila durkaa
doqon wax u dhigoo
dulqaad iyo nasiib
isla daalanbaan
wada daadahshaa
qalbi daacadiyo
carab dalablebuu
dareen kala qarshee
la igu kaa diryee
dumar kama wahsado
waxaad diidantee
biyo door hurdaa
cishqi darad bartaa
ku dabraynayaa
lib ka doonayoo
damac iyo jacayl
wada duulayaan
dood u qaadayaa
by masuul.com
layrics