hadaan luxudka la i dhigin
lugooyiyo dhibaatiyo
lurba arki maysee
raboow layla ii daa

midii aan lugooyiyo
lurba ka dhawree
laabta aan ku qoray
lilaahina aan u ahay
sow layla maaha

laxaw samaayee
dumar lala simaa
layla may dhalan
oo lama nuujin naas

laaf iyo quruxda badan
waa waxay kaga libin sareyso
qayrkeeda layla layla
raboow layla iidaa

hadaan luxudka la i dhigin
lugooyiyo dhibaatiyo
lurba arki maysee
raboow layla ii daa
by masuul.com lyrics

Exit mobile version