Heesta Xusuus - Lyrics
Adaa hamiga iyo xiskayga
Rajada ku abuuray xoogan
Dartaa unugyadan xujoobay
Ogow ma helaan xanaano!
Uruuri sirtaad xumbaartay
Ka ogow nacebka xilowga
Dabiib arimaha xageena
Udhiib ehellka iyo xigaalka
Si aanay umoodin xiiso
Dartee u ilmeey xabiibti
Adkeey balankii xusuuso
Alla barbarkayna xisaabso
Dareen ambaqaad leh xooji
Jacayl ku asteesan xeelada
Intaad hamineeso xeero
Anaa ku hanween xaqiiqso
Hafeefo waxaad xumeeso
Ama hoodol ku xaasho
Niyeeso Inaan xureenay
Uqoosh nacaybkayna xil diida ah
Hala oorinee xanuunji
Amal weligaa xifaadlan
Adkeey weligaa xusuuso
Allana barbarkayna xisaabso