Heesta Ashqaar - Lyrics
Adigaa jacaylkaagi
Inanyahow i labaya
Adigaa indhahani
Kaliga eeganayaan
Walaalow aduunyada
Waxa uun ku nool
Adiga mooyee kaligaa
Wali uur kumaan qaban
Ashqaraarayoo
Kuu ildoogsadee
Kaalayoo ii imaw
I ajoogso ahee
Adigaa kalgacalkaagii
Inanyahaw i dhibayaa
Adigaa uurkaygu
Kali kuu eexanayaan
Walaalaw ayaamahan
Oontaba ma quutoo
Adiga mooye cid kale
Iima quudhsamaye