Beerkiyo wadnaha iyo
Indhaha bu'doodiyo
Bartaan kaaga aalaa
Wey ku bal baleysaa

Bidhaan aragtidaadaa
Boholyow igalisoo

Biligtaada oo qura
Aan baryo so xasuustaa

Ibad baadiyo ibad baadiyo
Baahida aan kuu qabo
Ma i bogsiin kareysaa

Bilicdaada quruxdaa
Baryo aan ku qadayaa

Barashadi wacneyd baa
Boholyow igalisee

Balanteeni barigii miyaan
Baajin karayaa

Barta aad ku noshahaan
Baale kaaga lulayaa

Ibad baadiyo ibad baadiyo
Baahidaan kuu qabo
Ma i bogsiin kareysaa

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version